Kooxda Siyaasadda Lacagta, Maaliyadda iyo Xeer-dejinta

Mahdi Cabdikarim Da'ud

Agaasimaha Fulinta, Kooxda Siyaasadda Lacagta, Maaliyadda iyo Xeer-dejinta

Dhaqaaleyahan ahna agaasimihii hore ee Waaxda Cilmi-baarista ee Bangiga Dhexe (CBS), Mudane Daud waxa uu hormuud ka yahay Kooxda Siyaasadda Lacagta, Maaliyadda iyo Xeer-dejinta, isaga oo Bangiga Dhexe ku metela fagaarayaasha muhiimka ah ee heer qaran iyo heer caalami.

Kooxda Siyaasadda Lacagta, Maaliyadda, iyo Xeer-dejinta waa mid ka mid ah labada kooxood ee asaasiga u ah shaqooyinka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS). Waxaa loo aasaasay si ay u taageerto istiraatiijiyadda Bankiga ee ku wajahan u guurista qaab go’aan-qaadasho oo ku saleysan siyaasado si cad loo dejiyey iyo hawlo si xeeldheer loo qeexay.

Hawlaha Siyaasadeed ee Asaasiga ah

Kooxdani waxay ka shaqeysaa:

  • Dejinta siyaasado lacageed iyo sarrif oo wax-ku-ool ah, si loo gaaro yoolka xasillinta qiimaha Shilin Soomaaliga
  • Shati-siinta, nidaaminta, iyo kormeerka dhammaan hay’adaha maaliyadeed ee dalka
  • Dejinta iyo hirgelinta xeerar iyo siyaasado horumarinaya nidaamyada lacag-bixinta oo hufan
  • Ururinta, falanqaynta, iyo daabacaadda tiro-koobyada lacageed, maaliyadeed, kuwa waaxaha dibadda, iyo xogaha kale ee dhaqaalaha qaranka

 

Kooxdan oo uu hoggaamiyo Agaasimaha Fulinta Mahdi Cabdikariim Daa’uud, waxay ka taageertaa Bankiga samaynta cilmi-baaris qoto-dheer iyo dejinta siyaasado ku saleysan xog sugan, isla markaana waxay nidaamisaa hay’adaha maaliyadeed.

Qaab-dhismeedka Kooxda

Kooxdani waxay ka kooban tahay laba waaxood oo waaweyn:

  1. Waaxda Cilmi-baarista iyo Tirakoobka

Waaxdani waxay laf-dhabar u tahay falanqaynta dhaqaale ee BDhS, iyadoo soo saarta aragtiyo ku saleysan xog sugan oo taageera dejinta siyaasadaha lacageed iyo maaliyadeed ee dalka.

Waxay ka kooban tahay:

  • Qeybta Cilmi-baarista iyo Falanqaynta Siyaasadda – Qiimeysa siyaasadaha lacageed, falanqaynta istiraatiijiyadaha maaliyadeed, iyo jaangoynta siyaasadda
  1. Waaxda Shati-bixinta iyo Kormeerka

Waaxdani waxay hubisaa u hoggaansanaanta sharciyada maaliyadeed ee hay’adaha dalka, iyadoo adeegsanaysa qaybaha kala duwan ee hoos ku xusan:

  • Qeybta Kormeerka Bangiyada – Kormeerta bankiyada shatiyeysan ee BDhS
  • Qeybta Kormeerka Hay’adaha aan Bankiyada ahayn – Kormeerta hay’adaha sida xawaaladaha iyo kuwa la midka ah
  • Qeybta Shati-bixinta, Xeerarka iyo U-hoggaansanaanta – Maamusha shati-bixinta iyo u hoggaansanaanta xeerarka maaliyadeed
  • Qeybta Kormeerka Hababka Lacag-bixinta iyo Suuqa Lacagta – Kormeerta nidaamyada lacag-bixinta iyo hubinta amniga macaamilka maaliyadeed

Existing Laws, Regulations & Circulars