Mr. Hussein Shuaib Osman

Agaasimaha Sare ee Xafiiska Hanti-dhawrka Gudaha

Mr.Xuseen waxa uu haysta shahaadooyinka caalamiga ah ee CIA iyo CFE, waaana khabiir muddo 13 sano ah ku soo dhexjiray hawlaha hantidhowrka, waxa uu hormuud ka yahay casriyeynta hantidhowrka gudaha ee Bangiga Dhexe (CBS), isaga oo door muhiim ah ka ciyaara xoojinta hufnaanta maaliyadda iyo nidaamka maamul-wanaagga.

 Xafiiska Hanti-dhawrka Gudaha waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa ilaalinta hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo maamul-wanaagga ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS). Xafiiska waxaa hoggaamiya Agaasimaha Sare ee Hanti-dhawrka Gudaha, Mudane Xuseen Shucayb Cismaan.

Xafiisku waxa uu u shaqeeyaa si madax-bannaan, isagoo maamul ahaan la shaqeeya Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, halka warbixinnadiisa hanti-dhowrka uu si toos ah ugu gudbiyo Guddiga Hanti-dhawrka Gudaha ee Bankiga. Qaab-dhismeedkani waxa uu dammaanad qaadayaa dhexdhexaadnimada xafiiska, isaga oo xoojinaya awoodda uu u leeyahay kormeer madax-bannaan oo ku saabsan dhammaan hawlaha Bankiga, iyada oo aan faragelin dibadeed jirin.

Waajibaadka Xafiiska

  • Bixinta adeegyo hubin iyo talo-bixin madax-bannaan
  • Ka caawinta Bankiga maaraynta khataraha si hufan
  • Xoojinta nidaamka kormeerka gudaha
  • Horumarinta hannaanka maamul-wanaagga

Hawlaha xafiisku waxay taageeraan himilooyinka istiraatiijiga ah ee Bankiga, iyaga oo xaqiijinaya u hoggaansanaanta siyaasadaha gudaha iyo heerarka nidaamyada.

Qaab-dhismeedka Xafiiska

Xafiiska Hanti-dhawrka Gudaha waxa uu ka kooban yahay laba qeybood oo waaweyn:

  1. Qeybta Hawlaha, Maaliyadda, iyo U Hoggaansanaanta

Qeybtani waxay:

  • Kormeertaa howlaha iyo waxqabadka waaxyaha Bankiga
  • Hubisaa waxtarka, hufnaanta maaliyadeed, iyo u hoggaansanaanta siyaasadaha
  • Kor u qaaddaa wacyiga anshaxa shaqada
  • Xoojisaa dhaqan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan
  1. Qeybta Kormeerka Tiknoolojiyadda

Qeybtani waxay mas’uul ka tahay:

      • Kormeerka nidaamyada muhiimka ah sida ERP, T24, SWIFT, iyo ATS (STARS)
      • Qiimeynta amniga dhijitaalka ah iyo ilaalinta xogta
      • Hubinta hufnaanta nidaamyada tiknoolojiyadda
      • Ilaalinta hantida dhijitaalka ah iyo xoojinta adkeysiga Bankiga