Kooxda Lacagaha & Hawlaha Bangiyada

Ahmed Hundubey

Agaasimaha Fulinta, Kooxda lacagaha iyo hawsha Bankiga

Mudane Xundubey waxa uu leeyahay waayo-aragnimo ka badan 20 sano oo dhanka bangiyada ah, taas oo uu ka soo helay dalka Maraykanka iyo Kanada, isaga oo la soo shaqeeyay bangiyada Wells Fargo, KeyBank, and the Royal Bank of Canada.  Waxa uu shahaadada Master-ka (MA) ee cilmiga Dhaqaalaha ka qaatay Jaamacadda Northern British Columbia.

Kooxda Hawlgallada Lacagta iyo Bankiyada waa laf-dhabarta howlgalka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS), iyadoo u xilsaaran kormeerka iyo hirgelinta hawlaha muhiimka ah sida daabacaadda lacagta, maaraynta kaydka lacagaha, iyo bixinta adeegyada asaasiga ah ee bangiyada. Kooxdan oo uu hoggaamiyo Agaasimaha Fulinta Axmed Bashiir Xundubey, waxay door muhiim ah ka ciyaartaa taageeridda howlaha maaliyadeed ee dawladda iyo ilaalinta daahfurnaanta, sumcadda, iyo hufnaanta kaabayaasha maaliyadeed ee dalka.

Kooxdani waxay ka kooban tahay saddex waaxood oo muhiim ah, mid kastaana leh waajibaadyo gaar ah oo ay taageerayaan qaybo hoosaadyo u gaar ah:

 

Waaxda Sayladaha Maaliyadda

Waaxdani waxay maamushaa kaydka maaliyadeed ee Soomaaliya, iyadoo dheellitirta lacagta isla markaana fulisa macaamilka maaliyadeed ee dibadda. Waxay ka kooban tahay:

  1. Qeybta Hawlaha Suuqa – Hubinta dheellitirka nidaamka maaliyadeed iyada oo loo marayo hawlgallada suuqa
  2. Qeybta Maareynta Kaydka – Kormeerka qoondaynta kaydka lacagaha qalaad
  3. Qeybta Maareynta Daymaha – Dejinta istiraatiijiyadda daymaha dawladda
  4. Qeybta Koontooyinka Dibadda – Maamulka koontooyinka iyo macaamilka      maaliyadeed ee caalamiga ah

 

Waaxda Hawlaha Bankiyada

Iyadoo gudanaysa waajibaadka BDhS ee ah wakiilka maaliyadeed ee dawladda, waaxdani waxay bixisaa adeegyo bankiyeed oo loogu talagalay hay’adaha dowladda iyo kuwa maaliyadeed. Waxay ka kooban tahay:

  1. Qeybta Koontooyinka – Maamulka koontooyinka macaamiisha
  2. Qeybta Kaydka Maaliyadda – Maareynta qulqulka lacagaha dawladda
  3. Qeybta Adeegyada Bankiyada – Bixinta adeegyo bankiyeed oo ammaan ah
  4. Qeybta Nidaamyada Lacag-bixinta – Kormeerka nidaamyada sida ACH iyo RTGS
  5. Qeybta Laamaha – Isku dubbaridka hawlaha bangiyada ee dowlad-goboleedyada

 

Waaxda Maamulka Lacagta

Waaxdani waxay mas’uul ka tahay daabacaadda, qaybinta, iyo maareynta lacagta Shilin Soomaaliga si ammaan ah oo hufan. Waxay ka kooban tahay:

  1. Qeybta Qorsheynta iyo Daabacaadda Lacagta – Naqshadeynta iyo kormeerka soo saarista lacagta
  2. Qeybta Kaydinta iyo Qaybinta Lacagta – Kaydinta sugan, kala soocidda, iyo qaybinta lacagta dalka