In aannu noqonno Banki Dhexe oo adkeysi leh laguna kalsoonaan karo, kaas oo u heellan hirgelinta koboc dhaqaale oo waara, loona dhan yahay, iyo xasillooni maaliyadeed.
In la gaaro yoolalkayaga asaasiga ah ee ay ka mid yihiin xaqiijinta xasilloonida sicirka iyo kobcinta nidaam maaliyadeed oo xooggan, casri ah, kuna dhisan aaminaad, kaas oo dardargeliya horumarka dhaqaale ee dalka.
• Xaqiijinta danta guud ee dadweynaha oo naga go’an. • Adeegyo hay’adeed oo leh jihayn iyo ujeeddo cad.
• Hufnaan shaqo iyo daacadnimo • Daahfurnaan iyo hoggaan lagu daydo.
• Shaqo-wadaag, • caddaalad, sinnaan, • iyo ilaalinta xogaha qarsoon ee hay’adda.
Yoolka ugu sarreeya ee Bankigu waa xaqiijinta iyo ilaalinta xasilloonida sicirka gudaha, si loo suurtageliyo xasillooni lacageed oo horseedda in dhaqaalaha Soomaaliya, uu si joogto ah u kobco.
Yoolkan oo hoos tegaya kan koowaad, waa mid uu Bankigu ku doonayo horumarinta iyo ilaalinta nidaam maaliyadeed oo ammaan ah, xasilloon, kuna dhisan kalsooni.
Iyada oo aan la hareermarayn ama aan laga leexanayn labada yool ee hore, Bankiga waxaa sida oo kale loo igmaday in uu door ka qaato siyaasadaha guud ee dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.