Kooxda Maamulka Maaliyadda iyo Adeegyada Bankiga Services Group

Maxamed Cabdi Maxamed

Maareeyaha Guud, Kooxda Maamulka Maaliyadeed iyo Adeegyada Bankiga

Mudane Maxamed waxa uu 30-kii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeynayay, hoggaanna ka ahaa qaar kamid ah hay’addaha dowliga ah ee dhanka maaliyadda ee magaalada Washington, D.C., Mudane Maxamed waxa uu Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) kusoo  kordhinayay khibrad ku saabsan dib-u-habaynta maaliyadda, iyo isla-xisaabtanka hantida dadweynaha.

Kooxda Maamulka Maaliyadeed iyo Adeegyada Bankiga, oo uu hoggaamiyo Maareeyaha Guud Maxamed Cabdi Maxamed, waa tiirka asaasiga ah ee isku-dubbaridka howlgalka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS). Kooxdani waxay xaqiijisaa habsami u socodka hawlaha Bankiga, iyadoo maamusha shaqaalaha, arrimaha maaliyadda, adeegyada, iyo kaabeyaasha tiknoolajiyadeed.

Qaab-dhismeedka Kooxda

Kooxdani waxay ka kooban tahay afar waaxood oo kala ah:

  1. Maamulka Arrimaha Shaqaalaha
  2. Maamulka Arrimaha Maaliyadda
  3. Adeegyada Bankiga
  4. Tiknoolajiyadda (IT)

 

Waaxda Maamulka Arrimaha Shaqaalaha

Waaxdani waxay u xilsaaran tahay kobcinta shaqaale xirfad leh oo dhiirran. Waxay ka kooban tahay:

  1. Qeybta Mushaharka iyo Gunnooyinka – Maareynta mushaharka iyo gunnooyinka
  2. Qeybta Siyaasadda iyo Qorsheynta – Dejinta siyaasadaha HR iyo qorshaynta shaqaaleynta
  3. Qeybta Tababarka – Horumarinta iyo tababarka shaqaalaha


Waaxda Arrimaha Maaliyadda

Waaxdani waxay xaqiijisaa isla-xisaabtan iyo hufnaan maaliyadeed. Waxay ka kooban tahay:

  1. Qeybta Miisaaniyadda & Qorsheynta – Dejinta iyo kormeerka miisaaniyadda
  2. Qeybta Xisaabaadka Guud – Diiwaangelinta iyo ilaalinta xogta maaliyadeed
  3. Qeybta Warbixinta Maaliyadeed – Diyaarinta warbixinno maaliyadeed oo dhammeystiran
  4. Qeybta Lacag-bixinta & Xisaab Kala-bixidda – Kormeerka lacag-bixinta iyo habeynta xisaabaadka


Waaxda Adeegyada Bankiga

Waaxdani waxay maamushaa adeegyada iyo saadka Bankiga. Waxay ka kooban tahay:

  1. Qeybta Amniga – Sugidda badbaadada iyo badqabka shaqaalaha
  2. Qeybta Dayactirka & Gaadiidka – Maareynta gaadiidka iyo dayactirka
  3. Qeybta Iibka – Maamulka wax iibsiga iyo sahayda Bankiga


Waaxda Tiknoolajiyadda (IT)

Waaxdani waxay hormuud ka tahay casriyeynta iyo dhijitaalaynta Bankiga. Waxay ka kooban tahay:

  1. Qeybta Aaladaha iyo Kaydka Xogta – Horumarinta nidaamyada iyo kaydinta xogta
  2. Qeybta Kaabayaasha, Shabakadaha & Adeegyada IT-ga – Hubinta in nidaamyadu si joogto ah u shaqeeyaan
  3. Qeybta Amniga Macluumaadka – Ilaalinta xogta iyo nidaamyada Bankiga kana hortagga khataraha amni