Shir-cilmiyeedka 4aad ee siyaasadda dhaqaalaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

๐—ฆ๐—›๐—œ๐—ฅ-๐—–๐—œ๐—Ÿ๐— ๐—œ๐—ฌ๐—˜๐—˜๐——๐—ž๐—” ๐Ÿฐ๐—”๐—”๐—— ๐—˜๐—˜ ๐—ฆ๐—œ๐—ฌ๐—”๐—”๐—ฆ๐—”๐——๐——๐—” ๐——๐—›๐—”๐—ค๐—”๐—”๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—•๐—”๐—ก๐—ž๐—œ๐—š๐—” ๐——๐—›๐—˜๐—ซ๐—˜ ๐—˜๐—˜ ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—”

Muqdisho, 29-ka Luulyo 2026 โ€“ Waxaa magaalada Muqdisho loogu soo gabagabeeyay shir-sanaadeedka 4-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha, oo uu soo qabanqaabiyay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS). Shirkan, oo socday laba maalmood, ayaa si weyn loogu lafaguray xasilloonida maaliyadeed ee dalka iyo saameynta dhimista taageerada dhaqaale ee dibedda (development aid reduction) ku yeelan karto dhaqaalaha guud ee dalka.
ย 
Shirkan waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 40 Hay’adood oo ay ka mid ahaayeen:
โ€ข Wasaarado iyo hayโ€™ado dowladeed
โ€ข Hayโ€™ado caalami ah, sida Bangiga Adduunka
โ€ข Ururka Bangiyada Soomaaliyeed (SBA)
โ€ข Ururka Xawaaladaha Soomaaliyeed
โ€ข Ururka Shirkadaha Amaahda Yar-yar (Microfinance Association)
โ€ข Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed
โ€ข Bangiyada dalka
โ€ข Shirkadaha Caymiska Dalka
โ€ข Jaamacadaha dalka
โ€ข Machadyada Cilmi-baarista
โ€ข Cilmi-baarayaal iyo khubaro dhaqaale
ย 
Shirka sixaa si rasmi ah u furay wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige. Wasiirku wuxuu Bankiga Dhexe ku ammaanay qaban-qaabada shirkan sannadlaha ah, isaga oo tilmaamay muhimadda uu shirka siyaasadda dhaqaalaha u leeyahay hormarinta iyo xasilloonida maaliyadeed ee dalka. Wasiirku wuxuu ku booriyey dhammaan hayโ€™adaha dowladda inay si wadajir iyo iskaashi ku jiro uga wadashaqeeyaan arrimaha hortebinta u leh kobcinta dhaqaalaha dalka.
ย 
Guddoomiyaha Bakgiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa soo dhaweeyay kaqayb-galayaasha, isagoo ka warbixiyay dadaallada xooggan ee Bankiga Dhexe ku tallaabsaday dhowrkii sano ee lasoo dhaafay si loo kordhiyo xasilloonida maaliyadeed ee dalka.
ย 
Shirka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno iyo daraasado ku saabsan dhaqaalaha dalka iyo dood cilmiyeedyo xiiso badan leh, oo daraasadahaas la xiriira, oo khubaro dhaqaale-yaqaan ah ay ka qayb galeen.
ย 
Gudoomiye Ku-xigeenka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Dr. Cali Yaasiin Sheek Cali, oo isna khudbad ka jeediyey madasha ayaa faahfaahiyey Warbixinta Sahanka Helitaanka Adeegga Maaliyadeed oo uu Bankiga Dhexe dhowaan dalka ka sameeyey, isaga oo kaashanaya hayโ€™adaha kala duwan ee dalka, gaar ahaan Hayโ€™adda Istaatistikada Qaranka.
ย 
Xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Sare ee Bankiga, oo ay ka mid ahaayeen Prof. Xuseen Warsame iyo Dr. Aways Sheekh, ayaa iyana jeediyey khudbado muhiim ah. Iyaga oo soo jeediyey talooyin la xiriira hormarinta dhaqaalaha dalka iyo tayeynta hayโ€™adaha dowladliga ah.
ย 
Gabagabadi shirka waxaa si rasmi ah u soo xiray Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, oo iyana ka tirsan Guddiga-maamulka Sare ee Bangiga Dhexe (BDhS), iyada oo mahadcelin ballaaran u jeedisay dhammaan ka qeybgalayaasha iyo qabanqaabiyeyaasha shirka.

For More information

Communication and PRย 
[email protected]