Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo Shati Siiyay Hay’adaha Bixiya Maalgelimaha Yar-Yar ee aan Dhigaalka Qaban (Non-deposit-taking Microfinance Institutions – NDMTFIs)
Muqdisho, Soomaaliya – 9 Nofeembar 2025.
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS) wuxuu ku wargelinayaa dhammaan dadka iyo ganacsatada Soomaaliyeed, in uu ansixiyay shatisiintii ugu horreysay ee shirkadaha bixiya maalgelimaha yar-yar ee aan dhigaalka qaban, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka maaliyadda dalka, waxaana ilaa hadda shatiga qaatay toddoba (7) shirkadood.
Shirkadaha bixiya maalgelimaha yar-yar ee uu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS) shatiga siiyey, ka dib markii ay soo buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa, waxay kala yihiin:
KIMS Microfinance Institution
Bushra Microfinance Ltd
Maal Microfinance Ltd
Midnimo Microfinance
RAAS Microfinance
Asal Microfinance
Haldoor Microfinance
Go’aanka shati-siinta shirkadahaan ayaa yimid kadib dib-u-eegistii lagu sameeyay Sharciga Hay’adaha Maaliyadda (Financial Institutions Law) ee May 2025, isla markaana la meel-mariyey Xeernidaamiyaha Shati-siinta Hay’adaha Bixiya Amaahda Yar-yar ee aan Dhigaalka Qaadan (Licensing Regulation for Non-Deposit-Taking MFIs). Xeerarkaasi waxay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya siinayaan awood sharci ah oo uu ku kor-joogteeyo shirkadahaas.
Isbeddelladan waxay qayb ka yihiin hindisaha ballaaran ee BDhS ku xoojinayo maamulka iyo hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee dalka, sarana loogu qaadayo ilaalinta macaamiisha, isla markaana lagu ballaarinayo helitaanka adeegyada maaliyadeed oo loo dhan yahay.
Shirkadaha bixiya maalgelimaha yar-yar waxay door muhiim ah ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka. Waxay suurtagelinayaan in qoysaska Soomaaliyeed, ganacsatada yar-yar, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada aan weli qeyb ka ahayn nidaamka bangiyada rasmiga ah — kuwaas oo tiirsan kaalmo qoys ama deyn ganacsi oo wakhtigeedu gaaban yahay — ay helaan maalgelin maaliyadeed oo rasmi ah.
Sidaasi darteed, shati-bixintani waxay shirkadaha fursad u siinaysaa inay bixiyaan adeegyo maaliyadeed oo waafaqan Shareecada Islaamka, isla-markaana fudud, oo si sahlan loo heli karo, una adeegaya bulshada aan si buuxda uga faa’iideysan nidaamka bangiyada ganacsiga.
Sidoo kale, shati-bixintani waxay dhiirrigelinaysaa shaqo-abuurka dadka iskood u shaqeysta (self-employment), kobcinaysaa ganacsiyada yaryar, taageeraysaa qoysaska dakhligoodu hooseeyo, sidaas darteedna waxay qayb ka tahay dadaalka lagu yareynayo saboolnimada iyo kor u qaadista koboca dhaqaalaha dalka.
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, ayaa yiri:
“Shati-siinta kooxdii ugu horreysay ee shirkadaha bixiya maalgelimaha yar-yar ee dalka waa dhacdo taariikhi ah taas oo muujineysa horumarka muuqda ee uu gaaray nidaamka maaliyadeed ee dalka. Sidoo kale, waxay tusaale u tahay ballanqaadka Bankiga Dhexe ee ku aaddan dhisidda nidaam maaliyadeed oo loo dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo, si loo kordhiyo fursadaha adeegyada maaliyadeed ee ay heli karaan shacabka Soomaaliyeed.”
Abdirahman M.
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS) wuxuu sii wadi doonaa la-socodka iyo kormeerka guud ee shirkadaha maalgelimaha yar-yar, wuxuuna soo saari doonaa tilmaamo dheeraad ah marka loo baahdo. Sidoo kale, wuxuu la shaqeyn doonaa daneeyeyaasha si loo xoojiyo xirfadaha shirkadaha shatiga qaatay.
Fiiro Gaar ah:
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS) wuxuu ku wargelinayaa shirkadaha bixiya maalgelinta yar-yar ee dalka ka howlgala, laakiin aan weli soo dalban shati, inay degdeg usoo gudbiyaan codsiyada shatiga ugu dambayn 6-da Diseembar 2025.
Shirkaddii aan kusoo gudbin codsigeeda shatiga muddada loo qabtay waxay ku xad-gudbeysaa Sharciga Hay’adaha Maaliyadeed iyo Xeernidaamiyaha Shati-siinta Hay’adaha Bixiya Maalgelimaha Yar-yar, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka.
Wixii Faahfaahin ah;
Warfaafinta iyo Xariirka Dadweynaha
communications@centralbank.gov.so