Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo Rukhsadihii Ugu Horreeyay Siiyay Shirkadaha Caymiska Takaful.
Muqdisho, Soomaaliya – 27 Janaayo 2026
Kadib ansixiyey sharciga Caymiska Islaamiga ah ee “Takaful”, bishii Maajo 2025, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billaabay bixinta shatiyadii ugu horreeyay ee la siiyo shirkadaha bixiya adeegga Caymiska Islaamiga ah ee loo yaqaan “Takaful”. Tallaabadan taariikhiga ah waa mid lagu nidaaminayo adeegga caymiska dalka, kaas oo waafaqsan mabaadi’da caymiska shareecada Islaamka iyo hannaanka korjoogteyta adeegga caymiska ee casriga ah.
Guddiga Sare ee Maamulka Bankiga Dhexe ayaa kulankiisii caadiga ahaa ee qabsoomay 24ka Janaayo 2026, waxa uu ku ansixiyay codsiyada shati-siinta afar (4) shirkadood oo buuxiyey shuruudaha ruqsad-siinta adeegga caymiska. Shikadahaasi oo kala ah:
Tallaabadani waxay xoojinaysaa nidaaminta iyo korjoogteynta adeegga Takaful, si loo maareyo khataraha la xiriira adeeggan, iyadoo la dhisayo hannaan caymis oo waafaqsan mabaadi’da Shareecada Islaamka, si kor loogu qaado helitaanka adeegyo caymis oo leh hal-abuur, loona xoojiyo kalsoonida maalgashatada, iyo tan macaamiishaba.
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, oo ka hadlaya muhumidda arrinkan ayaa yiri:
“Talaabadani waxay dhidibada u adkaynaysaa nidaamka maaliyadeed ee dalka. Shati-siintani waxay lagama-maar-maan u tahay korjoogtaynta shirkadaha caymiska iyo maareynta khataraha maaliyadeed ee la xiriira adeeggan.”
Cabdiraxman M.
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta iyo ilaalinta xasilloonida hannaanka maaliyadda.
DHAMMAAD
Warfaafinta iyo Xariirka Dadweynaha
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya
communications@centralbank.gov.so