Farriinta Guddoomiyaha
Waxaa sharaf wayn ii ah in aan fursad u helo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, aniga oo ah Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS). Waxa aan xilkan iyo waajibaadkiisa u gutaa si daacadnimo iyo hufnaani ku dheehan tahay.
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uu hadda ku guda-jiraa geeddi-socod dib-u-habeyn oo muhiim ah, kaas oo ku qotoma Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee (2020 – 2024). Waxa aannu hirgelinnay qaab-dhismeed cusub oo hay’adeed, annaga oo samaynay dadaallo aannu awoodda Bankiga ku baahinayno, si aannaan u noqon kaaliyaha arrimaha dakhliga ee dowladda oo keli ah, balse aannu u noqonno Banki dhexe oo casri ah, wax-ku-ool ah, laguna hago siyaasad qoto-dheer. Tani waxa ay noo suurtagelinaysaa in aannu si hufan u gaarno himilooyinkeenna istiraatiijiyadeed, waxa ayna nagu gacan-siinaysaa fulinta waajibaadkeenna.
Hannaanka dib-u-habaynta iyo hirgelinta qaab-dhismeedka cusub waxa uu u baahan yahay shaqo badan iyo dadaal joogto ah. Sababtaas awgeed, waxa aannu shaqaaleysiinnay saddex masuul oo khibrad xeel-dheer u leh arrimaha maamulka, maaliyadda, Bankiyada, iyo dhaqaalaha. Waxa aannu sida oo kale bilownay dib-u-eegis ballaaran oo ku saabsan siyaasadaha iyo habraacyada Bankiga. Guddiga Sare ee Bankigu waxa uu ansixiyay siyaasad cusub oo wax-ku-ool ah, taas oo ku aaddan dhinacyada cududda ama karaanka shaqaalaha (HR), kaydka lacagaha qalaad, maamulka maaliyadda, iyo iibsiga guud; iyada oo ay siyaasado kalena noo qorshaysan yihiin. Aniga iyo kooxdaydu waxa aanu la kulannaa caqabado badan, balse waxa aannu mar kasta u heellannahay sidii aannu uga gudbi lahayn.
Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku hoggaamiyo geeddi-socodkiisa ku aaddan xaqiijinta yoolashiisa istiraatiijiyadeed iyo suurtagelinta isbeddel mug weyn oo lagu sameeyo hay’addan muhiimka ah. Aniga oo kaashanaya kooxdayda, Guddiga Sare ee Bankiga, Dowladda, daneeyayaasha gudaha ee nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya, iyo wakiillada caalamiga ah, waxaan hubaa in Bankiga Dhexe uu noqon doono hay’ad la aamini karo oo waxsoosaar iyo tayo ku suntan.